Breaking
June 7, 2026

Iran oo ka fakaraysa soo jeedin Nabadda ee mareykanka

Iran Oo Ka Fakaraysa Qorshaha Nabadda Ee Mareykanka

Hordhac

Xiisada u dhaxaysa Iran iyo Mareykanka ayaa mar kale gashay marxalad cusub kadib markii Tehran ay sheektay in aay dib u eegayso qorshe nabadeed oo uu sii bandhigay Maraykanka, Inkastoo labada dhinac ay muujiyeen rabitaan ku saabsan xal diblomaasiyadeed, hadane waxaa weli jira khilaafyo qoto dheer oo waaweeyn oo caqabad ku ah heshiis rasmi ah

Dagaalka iyo xiisadaha gobalka Bariga dhexe ayaa saameyn weyn ku yeeshay dhaqaalaha caalamka, gaar ahaan shidaalka iyo ganacsiga marinka muhiimka ah ee Strit of Hormuz wadahadallada hada socda ayaa loo arkaa kuwo muhiim uh xasiloonida gobalka iyo suuqyada caalamiga ah.

Sababta Iran Uga Fakarayso Qorshaha Nabadda Ee Mareykanka Inkastoo Khilaafaadku Jiraan

Iiraan oo miisaamaysa soo jeedinta nabadda ee Mareykanka ka dib bilo colaad ah

Muddo bilo ah oo xiisado iyo dagaallo isugu jiray kadib, Iran ayaa hadda dib u eegaysa soo jeedinta cusub ee Mareykanka. Wadahadalladan ayaa yimid kadib cunaqabateyn dhaqaale, weerarro militari, iyo cabsi laga qabo dagaal weyn oo gobolka ka qarxa.

Labada dhinac ayaa isku dayaya inay helaan xal diblomaasiyadeed si looga hortago qalalaase cusub.

Wadahadalladii Hore

Tan iyo xabbad joojintii dhacday bishii April, labada dhinac qaxay galeen wadaxaajoodyo kala duwan oo ay dhexdhexaadinaayeen dalal ay ka mid yiihiin Pakistan , Qatar iyo Oman. inkastoo hormur la sheegay, hadanana heshiis rasmi ah weli lama gaarin.

Iran maxay ka tiri Soo jeedinta Mareykanka

Dalabyo xad Dhaaf ah

Mas’uuliyiinta Iran ayaa ku eedeeyay Mareykanka inuu soo bandhigay shuruudo adag oo aan macquul ahayn. Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Iran, Esmaeil Baghaei, ayaa sheegay in khilaafaadka u dhexeeya labada dhinac ay weli yihiin kuwo “qoto dheer oo muhiim ah.”

Iran waxay sidoo kale sheegtay in Washington ay marar badan jebisay kalsoonidii diblomaasiyadda, taasoo adkaynaysa in heshiis buuxa la gaaro

Maxaay Iran Doonnaysaa?

1. In la qaado cunaqabateynta dhaqaalaha

Tehran waxay rabtaa in Mareykanka uu yareeyo ama gebi ahaanba qaado cunaqabateynta saameynta weyn ku yeelatay dhaqaalaha Iran.

2. In la joojiyo weerarrada militari

Iran waxay dalbanaysaa dammaanad rasmi ah oo xaqiijineysa in aan dib loo bilaabi doonin weerarro militari.

3. Xorriyadda marinka Strait of Hormuz

Mid ka mid ah qodobbada ugu muranka badan ayaa ah maamulka iyo amniga marinka Strait of Hormuz

Maxay Mareykanku Doonayaan?

Barnaamijka Nukliyeerka Iran

Maraykanka quxuu diiradda saarayaa joojinta ama xaddididda awoodda nukliyeerka Iran. Washington waxay ka walaacsan tahay uranium-ka la kobciyay ee Iran haysato iyo suuragalnimada in loo isticmaalo hu nukliyeer.

Badbaadada Gobolka

Washington waxay sidoo kale rabtaa in la xaqiijiyo amniga maraakiibta caalamiga ah iyo in marinka Striat of Hormuz si buuxda dhib loogu furu ganacsiga caalamiga ah.

Doorka Pakistan ee Dhexdhexaadinta

Asim Munir oo Tehran Tagay

Taliyaha ciidamada Pakistan, Asim Munir, ayaa booqday Tehran si uu u taageero dadaallada nabadeed. Kulamo uu la yeeshay wasiirka arrimaha dibadda Iran ayaa lagu tilmaamay kuwo muhiim u ah wadaxaajoodyada socda.

Pakistan ayaa noqotay dhexdhexaadiye muhiim ah oo xiriir wanaagsan la leh labada dhinac.

Shiinaha iyo Dalalka Gobolka

Shiinaha, Qatar, Oman, iyo Turkiga ayaa sidoo kale ka qeyb qaadanaya dadaallada lagu doonayo in xiisadda lagu dejiyo.

Saameynta Dhaqaalaha Adduunka

Qiimaha Shidaalka

Xiisadda Iran iyo Mareykanka waxay saameyn weyn ku yeelatay qiimaha shidaalka caalamka. Maalgashadayaasha iyo suuqyada dhaqaalaha ayaa si dhow ula socda wadaxaajoodyada socda.

Kororka qiimaha shidaalka ayaa saameeyay dalal badan oo ku tiirsan soo dejinta tamarta.

Ganacsiga Caalamiga Ah

Xannibaadaha marinka Strait of Hormuz ayaa dib u dhac ku keenay maraakiibta ganacsiga iyo sahayda shidaalka adduunka.

Ma Jirtaa Rajo Heshiis?

Calaamado Horumar Ah

Wararka qaar ayaa sheegaya in soo jeedintii ugu dambeysay ee Mareykanka ay “yaraysay farqiga” u dhexeeya labada dhinac.

Tani waxay muujin kartaa in labada dhinac ay diyaar u yihiin tanaasul xaddidan.

Caqabadaha Weli Jira

Si kastaba ha ahaatee, arrimo waaweyn ayaa weli xal loo la’yahay:

  • Barnaamijka nukliyeerka Iran
  • Cunaqabateynta dhaqaalaha
  • Xakamaynta Strait of Hormuz
  • Joogitaanka ciidamada Mareykanka ee gobolka

Khilaafyadan ayaa ka dhigaya heshiiska mid adag.

Sidee Ayey Tani U Saameynaysaa Gobolka?

Bariga Dhexe oo Weli Kacsan

Dalka Lubnaan, Ciraaq, iyo dalal kale oo gobolka ku yaalla ayaa si dhow ula socda xaaladda, maadaama colaadda ay si toos ah u saameyn karto amniga guud ee Bariga Dhexe.

Cabsi Laga Qabo Dagaal Cusub

Haddii wadaxaajoodyadu fashilmaan, waxaa jira cabsi laga qabo in dagaal cusub uu qarxo, taasoo sii kordhin karta dhibaatada bani’aadamnimo iyo tan dhaqaale.

Ugu Danbeeyn

Iran iyo Maraykanka waxay hadda joogaan marxalad xasaasi ah oo go´aamin karta mustaqbalka gobalka bariga dhexe. inkastoo labada dhinac ay muujiyeen rabitaan aay ku gaaraan xal nabadeed, haddana khilaafaadka waaweyn ayaa weli hortaagan in heshiis rasmi ah la gaaro

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

© 2026 GeedFadhiNews. All Rights Reserved.