Muqdisho (Geedfadhinews) Xisbiyada mucaaradka ee ka soo horjeeda dowlada federaalka Soomaaliya (DF) ayaa markale ku dhawaaqan qabanqaabada banaanbax weeyn oo la filaayo in oo ka dhaco magaalada Muqdishu maalmaha soo socda. Banaanbaxa ayaa imaanaya xili aay sii kordhayaan xiisadaha siyaasada ee Soomaaliya
War-saxaafadeed ay si wadajir ah u soo saareen qaar ka mid ah xubnaha mucaaradka ayaa lagu sheegay in banaanbaxa oo yahay mid dalka lagu badbaadinaayo, laguna muujinaayo argtida shacabka ee ku aadan xaalada dalka.

Sababaha ka Dambeeya banaanbaxa
Mucaaradka ayaa sheegay in aay jiraan arimo dhowr ah oo ku kalifay inay abaabulaan banaanbaxan, Qodobada ugu waaweyn waxaa ka mid ah
- Cabasho laxiriirta dooroshooyinka iyo hanaakooda
- Mudu korarsiga Madaxweeynaha Hassan sheikh
- Dood ku saabsan dastuurka iyo isbaddelada la soo jeediyay
- Xaalada amni iyo mud dhaqaale oo la sheegay in aay sii xumaaneyso
Mucaaradka ayaa ku adkeeysanaayo in aaysan aqbaleeynin mudu korarsiga Madaxweeynaha oo sameeyay, waxa aay sheekeen in dalkaan oo u baahanyahay badbaado Qaran.
Ra,iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan cali Kheyre oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in dibidbaxa oo dhici doono 4 bisha June uuna socon doono todobaadyo, isaga oo ugu baaqay shacabka in aay si buuxda ugu soo qeeb galaan.
Jawaabta Dowladda Federaalka
Dowladda federaalka Soomaaliya weli si rasmi ah uga hadlin banaanbaxaas hase yeeshee ilo ku dhow dhow ayaa sheegaya in dowladda ay ka digtay in banaanbax kasta uu noqdo mid amni darro keena.
Saameynta Siyaasadeed ee Laga Fili Karo
Banaanbaxan ayaa yeelan kara saameyn siyaasadeed oo ballaaran, gaar ahaan haddii uu noqdo mid ay ka soo qeybgalaan dad badan. Falanqeeyayaal siyaasadeed ayaa tilmaamaya in tani ay cadaadis ku keeni karto dowladda, isla markaana ay horseedi karto wadahadal cusub oo u dhexeeya dhinacyada siyaasadda.
Dhanka kale, haddii banaanbaxu isu beddelo mid rabshado wata, waxaa laga yaabaa inuu sii xumeeyo xaaladda siyaasadeed iyo mid amni ee dalka.
Aragtida Shacabka
Qaar ka mid ah shacabka Muqdisho ayaa si kala duwan u arka banaanbaxan. Dadka qaar waxay u arkaan fursad ay ku cabbiri karaan cabashooyinkooda, halka kuwo kalena ay ka cabsi qabaan in uu sababo amni darro. Dhanka kale waxaa jira shacab la dhacsan siyaasada Madaxweynha soomaaliya Hassan sheikh
Doorka Beesha Caalamka
Beesha caalamka ayaa inta badan ku baaqda xasillooni iyo wadahadal marka ay dhacaan xiisado noocan oo kale ah. Waxaa la filayaa in hay’adaha caalamiga ah ay si dhow ula socdaan xaaladda, islamarkaana ay ku dhiirrigeliyaan dhinacyada inay ku xalliyaan khilaafaadka si nabad ah. dhanka kale beesha caalamka ayaa ugu baaqay labada dhinac in aay dib u bilaabaan wadahadalada si xal mideeysan loo gaaro.
Ugu danbeeyn
banaanbaxa ay iclaamiyeen xubnaha mucaaradka ee DF wuxuu noqon karaa mid saameyn weyn ku yeesha jihada siyaasadeed ee dalka. Waxa ugu muhiimsan ayaa ah in dhammaan dhinacyadu ay muujiyaan mas’uuliyad, islamarkaana la ilaaliyo nabadda iyo xasilloonida.
Shacabka Soomaaliyeed ayaa isha ku haya sida ay xaaladdu u socoto, iyadoo la rajeynayo in wixii khilaaf ah lagu xalliyo si wadahadal iyo isfaham ku dhisa

